Jacelku ma dhabaa mise waa Dheeldheel?


 

QEEYBTII 1AAD

MAXAA SABABA FURIINKA DAD 5 SANO BADAN XARIIR LAHAA?

Qofka aad jeceshay hadaadan u dulqadan doonin haduu wax yar kugu sameyo maxaa uleedahay waan kujeclahay maalinkasta beenta maa iska dhaaftid?

waxaa jiro dad badan oo afka kasheegaan runtii in ay jaceyl uqabaan qofka lamaantiisa ah ama lamaankeeda ah. hadana waxaad arkeysaa dad badan oo waqti aad ufara badan xariir sameynaayay kudhowaad sanado lkn marka ay isguursadaan xariirkoodu sii xumanayo. suaasha iwaydiinta mudan ayaa ah maxay tahay sababta kadambeysa ee ay dadku udagalamaan markasta ma waxay isku sheegayeen ayaa been ahayd oo aan ahayn jaceyl dhab ah mise jaceylka ayaa sidiisa dhan fake ah oo aan wax jiro ahayn.

runtii jaceylku waa wax jiro misana dhasha inta badan dadku marka ay macaamilaan ama guri wada tagaan, inkastoo ladhahi karo dadka qaar jaceyl dhab ah way isku qaadaan guurka kahor taas oo ay yartahay inta badan, jaceylka noocaas ahna haduu dhaco intabadan waa mira dhalaa oo wuxuu noqdaa mid mira dhala oo waara mana noqdo mid burbura.

maadama ay sidaas tahay waxaad arkeysaa dad gurigoodii burburiyay waqti dheer oo ay wada socdeen kadib, marka waxaa lagu timaami karaa jaceylkaas oo kale mid xiiso ah oo kusaleysan baahi gogoleed kaliyah. waayo dadka waxaa gubaayo ayaa ah shahwada marka la iska guta shahwadiina oo ay yaraato baahidii la isku qabay waxaad arkeysaa dadkii oo aan isku dulqaadan karin oo hadii ay labo eray isdhahaa caay iyo waxaan wanaagsaneyn isdhahaayo. 

xiligaas kadib waxaa yaraanaya dulqaadka labadii qofood oo imbadan isi soojeclaa, xariirkoodii ayaa xumaanaya waxaadna arkeysaa dadkii oo kuwada joogin si xushmad leh oo aan isku dulqaadaneynin qofba qofka kalena uu usan karoonaaneynin. waayo marka aad xariir jaceyl sameyneyso waa in aad leedahay kala roonasho iyo dulqaad kaas oo ah aasaaska nolosha iyo xiriirka labada qofood. waqti aan sidaa usiidheereyne waxaad maqleysaa labadii qofood way kala tageen oo waa la isfuray.

Comments

Popular posts from this blog

Muhiimadda Sirdoonka Milatariga ee Ilaalinta iyo Difaaca Qaran

Impact of remote work on employee performance and well-being

Jacaylka Dhabta ah: Sheekada Ahmed iyo Zahra